Monday, August 26, 2019
Home Blog

Deg Deg, saraakiil ka socda Sirdoonka Itoobiya oo gaaray Magaalada Kismaayo, waqti ay xaalad cakkiran ka taagantahay Kismaayo.

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saraakiil sirdoon oo ka socda Dawladda Itoobiya ay gaareen Magaalada Kismaayo. Saraakiishaan ayaa sida la xaqiijiyay ka tagay Magaalada Muqdisho ayyagoo isla maantaba gaaray Kismaayo. Socdaalka saraakiishaan ayaa kusoo aaday waqti Magaalada Kismaayo uu ka taaganyahay jahawareer ku aadan doorashada Jubbaland, lamana oga waxa uu daaranyahay socdaalka saraakiishaan.

Maxay Ciidamada Dawladdu maanta ka wadaan Shabeellada hoose.

Ciidamada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaano udhaw Awdhiigle. Ciidanka Dawladda ayaa wada hawlagallo ballaran oo kooxda Alshabaab looga sifaynayo tuulooyinka udhaw deegaanka Awdhiigle. Awdhiigle waa deegaan istiraatiiji ah, waxayna Ciidanka Dawladdu la wareegeen maalmo kahor.

Jubbaland oo yeelatay labo barlamaan iyo xaalkii oo cirka isku shareeray.

Xarunta Jubbada hoose ahna xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga dhawaaqay labo barlamaan oo iska soo horjeeda, iyyadoo ay magaalada Kismaayo ay gashay xalaad wax walba la filan karo. Xalay ayay aheeyd markay gudiga Doorashooyinka Jubbaland ee uu Axmed Madoobe magacaabay ay ku dhawaaqeeyn xubnaha barlamaankii labaad ee jubbaland, dhinaca kale gudiga doorashooyinka ee golaha badbaadada...

Khilaaf gaaray meeshii ugu sareysay oo ka dhex billowday M/ku xigeenka Jubbaland iyo Axmed Madoobe, muxuu salka ku hayaa?

Wararka aynu ka helayno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in khilaaf aad uweyn uusoo kala dhex galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaday Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe). Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada Mas'uul ay isku khilaafeen qaabka Axmed Madoobe uu wax uwado, waxaana la xaqiijiyay khilaafkoodu in uu hadda...

Axmed Madoobe oo wajahaya fashil siyaasadeed kii uweynaa oo khattar ku ah rajadiisa dib usoo noqosho.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kala bar maamulkii Jubbaland oo ku biiray garabka wasiirka amniga Jubbaland oo la rumaysanyahay in ay is khilaafeen assaga iyo Axmed Madoobe, xubnihii guddiga doorashooyinka Jubbaland sedex ka mid tobobada xubnood oo uu ka kooban yahay guddiga ayaa ku biiray dhanka Cabdirashiid janan. Gudoomiye ku xigeenkii gudiga doorashooyinka Jubbaland, xog...

Dawladda oo ka laabanaysa taageerada Omaar ee doorashada Jubbaland, maxay tahay sababtu?

Sida ilo xog-ogaal ah ay noo xaqiijiyeen dowlada Soomaalia ayaa heshay cabashooyin iyo eedo cul-culus oo ka kala imaanayo shacabka Jubbooyinka iyo siyaasiinta jubbaland, kuwaa oo ku aadan Wasiir Oomaar. Cabashooyinka gaaray Dawladda ayaa waxaa si weeyn uga dhex muuqda midawga musharaxiinta Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka Jubbaland oo dowlada dhexe gaarsiiyay eedaha iyo dhaliisha haraysay xafiiska wasiir Oomaar iyo howl-wadeenadiisa. Dooda...

Hal arin awgeed waxay sababaysaa in xilka laga qaado wasiirka Amniga DFS.

Sida warar hoose ay tibaaxayaan waxaa socda abaabul ka dhan sidi xilka looga qaadi lahaa wasiir amniga DFS. Abaabulkaan ayaa waxaa hor boodaya lafta hoose ee wasiirka. Dhanka hogaanka dowlada Federaalka ayaa dhankooda lagu soo waramayaa in ay arinkaas si ahaan u aqbaleen, hadaba maxeey tahay sababta ugu weeyn ee keentay xiligaan in xilka laga qaado wasiir amniga Mudane Abuukar...

DEG DEG: xaalad kacsanaan ah caawa Kismaayo jirta iyo gudigii doorashada Jubbland oo laba garab u kala jabay.

Update Kismaayo. Xaaladda Kismaayo ayaa caaw kacsan waxaana heegan lagaliyay ciidamadii Madaxtooyada, kaddib go'aankii G/kuxigeenka Guddiga Doorashadu ku qaadacay waraqadii jawaabta ahayd ee loo direy James Swan. Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe amray in Gudiga intiisa kale ay xilka kaqaadaan G/kuxigeenka Axmed Illa dheere, inkastoo ay arrintaasi xubnaha Guddigu ku kala qayb-sameen oo 3 xubnood ay ka horyimaadeen. Wasiir...

Deg Deg, Ciidanka Axmed Madoobe oo caawa gurigiisa ugu daatay gudoomiye ku..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay caawa gurigiisa tageen Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubbaland Axmed Ilko dheere. Axmed Ilkadheere ayaa kasoo horjeestay warqad uu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka jubbaland udiray danjiraha Qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya James Swan, taas oo keentay in guddiga dhexdiisu ay is khilaafaan. Sida la xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka ayaa ka baxsaday...

Deg Deg, Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo is khilaafay.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa isku khilaafay warqad uu guddigu udiray danjiraha Qaramada Midoobay, gudoomiye ku xigeenka guddiga ayaa sheegay in guddigu aysan isku raacin warqaddaa. Qoraal lasoo dhigay bogga facebooka ee guddiga ayaa sidatan lagu sheegay. "Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iskuma waafaqsana qoraalka hoos ku xusan ee uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga. Qoraalkan oo loo diray beesha caalamka...

WARARKII U DANBEEYAY