Yuhuud si xun u weeraray MD Farmaaajo, muxuu ka rabaa?

0
2141

Eddie Cohen oo ah Qoraa iyo cilmibaare falaanqeeya Siyaasada Israel iyo tan Carabta ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray shalay ayuu ku yiri sidatan

“assagu waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwaynaha Soomaaliya, shalay galab wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Argagaxiso sidii Qadaafi Iyo Mubaarak iyo dhamaan madaxda Carabta kibirtay ay yeeli jireen.

Waxaa waayadaan danbe aad usoo batay Suxufiyiin iyo qoraayaal ajanabi ah haba ubadnaadeen kuwo Imaaraatka iyo Sucuudiga udhashay oo weeraraya Madaxda Dawladda Soomaaliya, wuxuuna weerarkaa aad ubadnaa markii ay kacsanayd Xiisadii u dhaxaysay Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Dawladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor Shaqada ka eriday Diblomaasi ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadba ee Soomaaliya kadib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku leeyahah Dawladda Soomaaliya waa in ay xiriir toos ah la yeelato Israel. Waxayna u egtahay weerarka wariyahani in uu ku qotomo tillaabdii ay Soomaaliya ku cayrisay Diplomaasigaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here