General-kii Somaliyeed Ee Uhanjabay Konfur-Africa.

0
537

Wakhti ka Mid ah Xiliyadii Awood Xoogan oo dhinaca Siyaasada iyo Ciidan-ka ay laheyd Dowladda Somalia ayaa waxaa dhacday in wafdi ka socda Somalia ay socdaal ku tageen Dalka Zambia.

Wafdiga waxaa hogaaminayey Genaraal Maxamed Sheekh Cismaan(Meykaal) oo ka Mid ahaa Saraakiisha dhaliyey xukuumadii kacaanka dhawr marna ka Mid noqday golaha Wasiirada Muddo dheerna ahaa Wasiirkii Maaliyada Ee Aan Dhicin .

Wakhtiyadaas waxaa jirtey in dalka koonfur afrika ay aad ugu xooganayaan midab kala sooca si xun ayaana loo bahdili jirey dadka Madoow ee dalkaas u dhashay iyadoo xukunka ay hayeen tiro yar oo cadaan ah.

Dalka Zambia Xukuumadii ka jirtey ayaa iyadu waxa ay taageero xoog leh siin jirtey Ururkoo ANC ee la dagaalami jirey xukuumadii cadaanka tirada yar ay maamulayeen ee ka dhisnayd dalka Koonfur afrika sidaa darteed xiriirka labada wadan ee Zambia iyo Koonfur afrika aad ayuu u xumaa.

Maalmo ka hor intii uusan tegin dalka Zambia wafdiga ka socday Somalia ayaa waxaa dhacday in dayuurado dagaal oo ay leedahay Koonfur afrika ayaa kusoo xadgubay hawada Wadanka Zambia iyagoo si weyn uga digaya hadii aysan joojin taageerada ay siiso ururka ANC in ay duqeyn doonto.

Wafdigii Somalia ka socday markii ay tageen dalka Zambia ayaa waxaa saxaafada la hadlay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan waxaana isagoo ka jawaabaya daan daansiga ay waday xukuumadii koonfur afrika uu yiri sidan:

Somalia uma dulqaadan doonto xad gudubyada ay wado koonfur afrika iyo weliba handadaada iyo cago jugleynta ay ku hayso dalka aan walaalaha nahay ee Zambia waxaana dawlada Somalia ay qaadi doontaa talaabo ay ka shaleyso koonfur afrika.

Hadalkaas Markii Somalia ay jeedisay dib Uma ay dhicin in Koonfur afrika ay kusoo xad gudubto dalka Zambia.

Waa iska xaal aduune Maanta Sidaas Xaalku waa ka duwan yahay Dowlao Somalia ka baqi jirey ama ka cabsan jirey ayaa haatan handadaya oo doonaya in dhulkooda iyo badooda ay qaataan.

Xigasho: Abdulahi Nur Colombo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here