Magaalo ragga laga Mamnuucay.

0
476

Umoja waxa ay u dhowdahay deeggaan ka Samburu oo 360 km u jira Caasimada Nairobi, Kenya.

Kalmada Umoja micnaheedu waa (midnimo). Deeggaanka Umoja 1990-ki waxaa isku mideystay 50 haween ah oo kasoo haajiray tacadiyo loo geystay oo isugu jira Kufsi, Gudniin & Quursi sidoo kale deeggaan ka Umoja waxa uu hooy lagu badbaadiyo u noqday gabdhaha iyaga oo aan qaangaarin la guuriyo.
Caado-dhaqameed ka qeyb kamida Qowmiyada Masaai ee deeggaanka Samburu waxa ay tahay [in dumar ku aysan waxba dhaamin alaabta la isticmaalo, mana diidi karto gabadha hadii uu ninka galmo uga baahdo wixi ay dhasho iyo nafteedanna iyada ayaa dabareysa]..

Dhibaatooyin kaas ayaa ka kalifay in 50 haween ah & 200 oo caruur ah ay usoo haajiraan deeggaan cidlo oo ay usameysteen afar derbi oo xeyndaab ah. waxa ay dagaal dhiig ku daatay oo ay guusha ku raacday la galeen duulaamo dhowr ah oo ay kusoo qaadeen raggi ay kasoo carareen.

Umoja waxa ay ku bilaabatay 50 haween ah se maanta 50 kun kor ayay u dhaafeen nolol sahlan oo mustakafi ah ayay ku nool yihiin; ganacsi & waxbarasho dhexdooda ah ayay sameysteen, 2017-di Umoja waxaa laga furay 5 Hotel oo 3 star ah. Taakuleyn badan ayay ka heleen hey’adaha xuquuqda Haweenka.
Waxaa hal-ku-dhig u ah [Bulsho waxaa lagu hormariyaa Nabad, Jaceyl & Is fahan. Qalqal & Qalalaase waxba kuma haggaagaan]

Tabeelaha magaalada laga soo galo waxaa ku qoran Umoja Ragga waa ka mamnuuc.

W/Q: Liban Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here