Arsenal & Manchester united oo ka quustay u soo bixitaanka horyaalka Yurub ee (Champions league).

0
371

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa u muuqda kuwa sanadka dambe aan ka dhaali doonin horyaalka Yurub ee loo yaqaan (Champions League), walow Arsenal yara rajo dhaanto Manshester.

Labadaan koox ayaa kulankii ugu dambayay kala wajahay labo koox oo ku jira darajada ugu hooseesa horyaalka, iyyagoo la galay barbaro/garab-dhac.

Arsenal ayaa soo dhaafi weeyday kooxda cardif oo ay isku garab dhaceen, halka Man United ay iyyna kooxda Huddersfield town isku ag dhaceen.

Kooxaha Cardif iyo Huddersfield Town ayaa ku kala jira sedexda darajo ee ugu hooseesa horyaalka, waxayna dagaal ugu jiraan sidii ay uga badbaadi lahaayeen in ay u laabtaan heerka labaad ee horyaalka (devision-ka) loo yaqaan.

Gabi ahaanba kooxda Man United ayaan wax raja ah ka qabin in ay Horyaalka Chapions League ay ka dheesho sanadka dambe, Arsenal se waxooga waxay rajo ka qabtaa hadii ay ku guulaystaan koobka Uefa League oo la filayo in ay u gudbi doonto kulankiisa kama dambaysta finalaha koobka, waa se haday soo qaado rajada ay qabto Arsenal si ay horyaalka Yurub oga dheesho sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here