Indhaha Muslimiimta Caalamka ayay soo jiiteen labadaan Ciyaartooy, maxay sameeyeen?

0
899

Noussair Mazraoui iyo Hakim Ziyech oo uciyaara Kooxda reer Holland ee Ajax ayaa xalay sameeyay arin soo jiidatay indhaha Muslimiinta Caalamka.

Ciyaar naadiga Ajax ay la ciyaaraysay Kooxda Reer England ee ka dhisan Caasimadda London Tottenham Hotspur ayaa waxaa Kaamirooyinku qabteen Noussair Mazraoui iyo Hakim Ziyech oo ah Ciyaartooy Muslim ah oo garoonka ay ciyaartu ka socotay ku dhex afuraya, waliba ciyaarta oo socota.

Labadaan Ciyaartooy waxay soomeen ayyagoo maray Tababar aad u adag iyo ciyaar iyyaduna aad u adag. Waxaana layaab leh in ay u adkaysteen Tababarkaa iyo Ciyaartaa adag ayyagoo Sooman.

Tottenham Hotspur iyo Ajax ayaa xalay wada ciyaaray, ciyaar ka tirsan tartanka horyaalka Yurub ee Champions League wareega afar dhammaadka, ayyadoo ay Kooxda reer England samaysay soo laabasho cajiib ah, una gudubtay Ciyaarta kaba danbaysta ah ee Championshs league.

Tottenham Hotspur ayaa 1 June kulnka fiinaalka ah Kooxda Liverpool la ciyaaraysa. Waxaana lagu ciyaarayaa Garoonka cusub ee Kooxda reer Spain Athletico Madrid, Garoon Ku yaala Magaalada Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here