Dagaalkii uu Maraykanku ila galay 17-ka sano.

0
468

Waxaa maqaalkan qoray Sh. Maxamed Kaariye
************************************************

Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro.

Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida,

Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya.

Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay !

Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer.

1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah.

2. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen.

3. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa.

4. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday.

5. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo.

6. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha.

7. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin.

8. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin.

9. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan.

10. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi.

10. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du.

11. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda.

12. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen.

13. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah.

Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay
=======================================

Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan:
warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar.

Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo.

Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris.

Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan

Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya.

Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay.
Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay.
Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!!

Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal.

Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo
==============================
1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa.

Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa.

3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska .

4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo.

5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa.

6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”.

7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen.

8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda.

Gabagabo
========

1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen.

2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha.

3. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay.

4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo.

6. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya.

7. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen,
hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa .

8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina.

9. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa.

10. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan.

وعند الله تجتمع الخصوم

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here