Khatarta Duulaanka gardarada ah ee Kenya, Soomaaliya waxay u tahay fursad barbar socota walaaca ammuurtaas.

0
495

Khatarta Duulaanka gardarada ah ee Kenya, Soomaaliya waxay u tahay fursad barbar socota walaaca ammuurtaas. Tan ugu muhiimsanna waa in ay dowladdu abuurto kalsooni shacab oo ay saldhig u tahay wacyigalin iyo baraarug shacab gude iyo dibad-ba.

Jawaabta DF ee qadiyadaan umma baahna xammaasad iyo qiiro. kummana filna Qaadka oo la joojiyo kaliya. Waxaana qiyaas kuugu filan markaad dhab u dhugatid, xajmiga ay le-egtahay diyaar-garowga Kenya, Milatary ahaan, siyaasad ahaan, sharci ahaan, shacab ahaan, iyo saxaafad ahaanbba. Sidaas darteed, waxay ila tahay anniga.

1. Marka ugu horreysa in ay Dowladdu abuurto kalsooni, midnimo, baraarug, wacyigalin, iyo wadatashi ay saldhig u tahay yag-leellida wadaniyad iyo lahaanshaha Dal (QARANIMO)

2. Dowladeenu in ay baahiso talada, fursad-na ay siiso madaxdii dalka soo hoggaamisey, xisbiyada mucaaradka, madaxda maamullada, siyaadiyiinta, aqoonyahannada, diblumaasiyiinta IWM.

3. Dowladeenu in ay la timaado qorshe Qaran oo baahsan, Iyadoo laga faa’iideysanayo awooda fanka/suugaanta, ardeyda jaamacadaha, qalabka warbaahinta iyo qaybaha Shacabka Soomaaliyeed. (U DIYAAR GAROW)

FG. Inkastoo ay welwel igu hayso markaan arko mucaarad isku khaldaya “Shaqada Xukuumadda iyo danaha Qaranka” hase ahaatee, ma aaminsani in talada iyo go’aamada noocaan oo kale ah ay isku koobaan inta kuraasta ku fadhida oo qura.

Waxaan ku gabagabaynayaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Quraanjo aruurta Muluc waa jiidaa”

Waxaa qoray Maxamad Cabdullaahi Kooshin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here