Abuu tariika oo ku tilmaamay wiilka uu trump sodoga u yahay mid aad u yar, Waxa uuna difaacay qadiyada Reer falastiin asiga oo ka hadlay Shirkii ka dhacay baxreyn.

0
325

Xiddigii hore Xulka qaranka masarida Mohamed Aboutrika oo si weyn looga qadariyo qaarada afrika gaar ahaan wadamada carabta ayaa ku tilmaamay jared kushner Wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne trump ma aad u yar.

Amiirka qalbiyada Aboutrika ayaa bartiisa twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlaaye Shirka ka socda manama caasimada dalka baxreyn kaas oo looga hadlaaye dhinaca dhaqaalaha waxa loo yaqaano heshiiska qarniga Ee la rabo in looga looga taqaluso qadiyada reer falastiin oo si weyb u diidanyihiin falastiiniyiinta iyo inta badan wadama muslimiinta.

Aboutrika oo si aan ganbasho laheynin u tageero qadiyada reer falastiin ayaa soo dhigay bartiisa twitterka ” yariiskeyga kushner gumeysiga Sahyuuniyada(isra’iil) waxa uu xoog ku heystaa dhulka falastiiniyiinta, Xaraashka lagu qabtay manama (casimada baxreyn) waxba ka badalimaayo xaqiiqda”

Laacibki xulka kubada cagta masar ayaa bogaadin usoo jeediyay wadamada diideen in ay ka qeyb galaan shirka ka dhacay manama asiga oo yiri ” waa mahadsatihiin cid walba oo qaadacday xaraashkaas.. asiga oo sii raaciyay qoralkisa,… joogitaanka madaxweynaha xiriirka kubada cagta adduunka waxa ay dhalineeysa calaamad su’aal aaad u weyn…maqadasaadkeena (goobaha barakeysa sida masjidka Al-aqsaa) iib ma ahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here