Deg Deg, Ciidanka Axmed Madoobe oo caawa gurigiisa ugu daatay gudoomiye ku..

0
2428

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay caawa gurigiisa tageen Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubbaland Axmed Ilko dheere.

Axmed Ilkadheere ayaa kasoo horjeestay warqad uu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka jubbaland udiray danjiraha Qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya James Swan, taas oo keentay in guddiga dhexdiisu ay is khilaafaan.

Sida la xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka ayaa ka baxsaday gurigiisa assagoo ka dhuuntay ciidamadii raadinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here