Deg Deg, Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo is khilaafay.

0
715

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa isku khilaafay warqad uu guddigu udiray danjiraha Qaramada Midoobay, gudoomiye ku xigeenka guddiga ayaa sheegay in guddigu aysan isku raacin warqaddaa. Qoraal lasoo dhigay bogga facebooka ee guddiga ayaa sidatan lagu sheegay.

“Guddiga Madaxa Bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iskuma waafaqsana qoraalka hoos ku xusan ee uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga.

Qoraalkan oo loo diray beesha caalamka kama tarjumaayo rabitaanka Guddiga iyo danta dadka ree Jubbaland midna.

Waxaan rajaynaynaa in hawlihii Guddiga dib loogu soo celiyo Guddiga isla markaana looga jawaabo cabashooyinka dadka reer Jubbaland iyo kuwa beesha caalamkaba si ay danta dadka reer Jubbaland ku jirto.

Mahadsanidiin
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga
Ahmed O. Mahamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here