DEG DEG: xaalad kacsanaan ah caawa Kismaayo jirta iyo gudigii doorashada Jubbland oo laba garab u kala jabay.

0
553

Update Kismaayo.

Xaaladda Kismaayo ayaa caaw kacsan waxaana heegan lagaliyay ciidamadii Madaxtooyada, kaddib go’aankii G/kuxigeenka Guddiga Doorashadu ku qaadacay waraqadii jawaabta ahayd ee loo direy James Swan.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe amray in Gudiga intiisa kale ay xilka kaqaadaan G/kuxigeenka Axmed Illa dheere, inkastoo ay arrintaasi xubnaha Guddigu ku kala qayb-sameen oo 3 xubnood ay ka horyimaadeen.

Wasiir Amniga Jubaland C/rashiid Janan oo aad loogu xaglinayo G/ku xigeenka ayaa si cad uga hor yimid cadaadiska iyo hanjabaada lagu hayo Axmed Ilka Dheere. Waxaana muuqata kala qayb sanaan wayn iyo khilaaf saxmad ka dhex abuuray madaxtooyada iyo guddiba.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in la filayo maalinta biriya in uu saxaafada si toos ah ula hadli doono G/kuxigeenka Guddiga Axmed Ilka Dheere, isagoo cadayn doona nuxurka uu huwan yahay khilaafka hareeyay Guddiga Doorashada ee Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here