Gabadhii isku qarxisay xarunta G/Banaadir oo dad badan usoo jiiday dhibaato.

0
914

Maalmo hore qaraxii ismiidiiminta ahaa ee ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saamayn xun ku yeesha qayb badan oo kamid ah bulshada.

Basiiro Cabdi Yuusuf oo ah haweenaydii fulisay qaraxaan ayaa ahayd shakhsi indhoole ah oo kamid ahayd dadka baahiyaha gaarka qaba.

Tan iyo intii kasoo wareegtay qaraxaa, dadyowga naafada ah ama baahiyaha gaarka ah qaba waxay la kulmayeen caqabado adag, ayyadoo xarumaha dawladda la adkeeyay in ay si sahlan ku galaan, taas oo caqabad weyn ku ah.

Waxaa aad loo baaraa dadkaa baahiyaha gaarka ah qaba sababa la xiriira gabadhii indhoolaha ahayd ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir isku qarxisay aawadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here