Axmed Madoobe oo wajahaya fashil siyaasadeed kii uweynaa oo khattar ku ah rajadiisa dib usoo noqosho.

0
1143

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kala bar maamulkii Jubbaland oo ku biiray garabka wasiirka amniga Jubbaland oo la rumaysanyahay in ay is khilaafeen assaga iyo Axmed Madoobe, xubnihii guddiga doorashooyinka Jubbaland sedex ka mid tobobada xubnood oo uu ka kooban yahay guddiga ayaa ku biiray dhanka Cabdirashiid janan.

Gudoomiye ku xigeenkii gudiga doorashooyinka Jubbaland, xog hayaha guddiga iyo xubin kale oo isla gudiga ah oo uu Axmed madoobe horey gacantiisa ugu qortay ayaa ka goostay, xalay ayuu isku dayay Axmed Madoobe in uu soo xiro, balse way u suurtagali wayday, kadib markii uu difaacay wasiirka Aminga Jubbaland oo la rumaysan yahay in uu asaga wax ka soo abaabulaya qorshahaan.

Iskusoo duuduuboo khilaafkaan udhexeeya guddiga doorashooyinka Jubbaland ee uu Axmed Madoobe magacaabay waxay Axmed Madoobe ku noqonaysaa dhabar Jan weyn, waxaana hog dheer kusii dhacaya rajadii uu ka qabay in dib loo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here