Dawladda oo ka laabanaysa taageerada Omaar ee doorashada Jubbaland, maxay tahay sababtu?

0
1243

Sida ilo xog-ogaal ah ay noo xaqiijiyeen dowlada Soomaalia ayaa heshay cabashooyin iyo eedo cul-culus oo ka kala imaanayo shacabka Jubbooyinka iyo siyaasiinta jubbaland, kuwaa oo ku aadan Wasiir Oomaar.

Cabashooyinka gaaray Dawladda ayaa waxaa si weeyn uga dhex muuqda midawga musharaxiinta Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka Jubbaland oo dowlada dhexe gaarsiiyay eedaha iyo dhaliisha haraysay xafiiska wasiir Oomaar iyo howl-wadeenadiisa.

Dooda Musharaxiinta ayaa ah in aysan suurogal ahayn in ay ayyagu daadal ugu jiraan sidii meesha ay uga saari lahaayen Axmed Madoobe, dawladu iyaduna ay wadato musharax u gaar ah, taasoo wiiqi karta kalsoonida isbadal-doonka Jubbaland sida ay ay muujiyeen isbadal-doonka Jubbaland.

Dhanka kooxda ol’olaha wasiir Oomar ayaa la rumaysan yahay in ay u sabab yihiin gadoodka shacabka iyo siyaasiinta, maadaama qaarkood ay xooga saareen in ay sameeyaan falal ka dhan Odayaasha iyo musharaxiinta, iyyadoo mararka qaar abuura dacaayado ka dhan shaqsiyaad kaga aragtida duwan ee tilmaama habka ay wax u wadaan kooxda wasiir Oomaar.

Isku soo wada duubo dowlada Soomaaliya ayaa aqbashay oo garowsatay cabashooyinka kala duwan ee ka imaanaya bulsha weeynta rer Jubbbaland, iyyadoo ay dawlada hadda go’aansatay in ay badasho musharax Oomaar si loo helo musharax kale oo kasban kara fikirada kala duwan ee dadka rer Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here