Hal arin awgeed waxay sababaysaa in xilka laga qaado wasiirka Amniga DFS.

0
976

Sida warar hoose ay tibaaxayaan waxaa socda abaabul ka dhan sidi xilka looga qaadi lahaa wasiir amniga DFS. Abaabulkaan ayaa waxaa hor boodaya lafta hoose ee wasiirka.

Dhanka hogaanka dowlada Federaalka ayaa dhankooda lagu soo waramayaa in ay arinkaas si ahaan u aqbaleen, hadaba maxeey tahay sababta ugu weeyn ee keentay xiligaan in xilka laga qaado wasiir amniga Mudane Abuukar Islow Ducaale?

“Lafta hoose ee wasiirka amniga ayaa u muuqda kuwo ku guulaystay loolanka ku aadan qabashada xilka gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duga Muqdisho”, xilkaas oo uu ka geeriyooday marxuum Cabidraxmaan Cumar Yariisow, hadaba si lafta wasiirka amniga ay u hesho xilkaas waxaa qasab ah in wasiir Islow uu booska wasaarada amniga uu baneeyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here