Khilaaf gaaray meeshii ugu sareysay oo ka dhex billowday M/ku xigeenka Jubbaland iyo Axmed Madoobe, muxuu salka ku hayaa?

0
1507

Wararka aynu ka helayno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in khilaaf aad uweyn uusoo kala dhex galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaday Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe).

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay isku khilaafeen qaabka Axmed Madoobe uu wax uwado, waxaana la xaqiijiyay khilaafkoodu in uu hadda gaaray meeshii ugu sarraysay.

Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Axmed Madoobe laftirkoodu in uu ka taaganyahay Khilaaf aad u adag.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa isasoo taray xubno muhim ah oo Axmed garabkiisa faarujinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here