Jubbaland oo yeelatay labo barlamaan iyo xaalkii oo cirka isku shareeray.

0
209

Xarunta Jubbada hoose ahna xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga dhawaaqay labo barlamaan oo iska soo horjeeda, iyyadoo ay magaalada Kismaayo ay gashay xalaad wax walba la filan karo.

Xalay ayay aheeyd markay gudiga Doorashooyinka Jubbaland ee uu Axmed Madoobe magacaabay ay ku dhawaaqeeyn xubnaha barlamaankii labaad ee jubbaland, dhinaca kale gudiga doorashooyinka ee golaha badbaadada Jubbaland ayaa ayaguna ku dhawaaqay liis xildhibaano ah oo ka soo horjeeda garabka Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa wada marti galinayso labo barlamaan, labo gudi doorasho, iyadoo la filan karo in xaalku gaaro labo madaxwayne oo ay Jubbaland yeelato.

Dhinaca kale waxaa isha lagu hayaa tilaabada ay qaadi doonto dowlada dhexe iyo beesha caalamka oo horey oga hor yimid sida ay wax u wadaan garabka Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here