Monday, August 26, 2019
Home Blog Page 2

Gabadhii isku qarxisay xarunta G/Banaadir oo dad badan usoo jiiday dhibaato.

Maalmo hore qaraxii ismiidiiminta ahaa ee ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saamayn xun ku yeesha qayb badan oo kamid ah bulshada. Basiiro Cabdi Yuusuf oo ah haweenaydii fulisay qaraxaan ayaa ahayd shakhsi indhoole ah oo kamid ahayd dadka baahiyaha gaarka qaba. Tan iyo intii kasoo wareegtay qaraxaa, dadyowga naafada ah ama baahiyaha gaarka ah qaba waxay la kulmayeen caqabado...

Aqriso, Ciidanka Dawladda oo xasuuq ba’an ugaystay Kooxda Alshabaab.

Ciidamada Dawladda qaybtooda 66aad iyo kooxda Alshaab ayaa ku dagaallamay deegaan udhaw Awdhiigle oo ay maalin hore Ciidanka Dawladdu ka saareen Kooxda Alshabaab. Ciidamada Dawladda oo ku jira sahan ayay Kooxda Alshabaab weerar gaadmo ah kusoo qaadeen, waxaana meeshaa Alshaab looga dilay 16 dagaallame. War lagu qoray bogga Twitterka ee ciidanka Dawladda ayaa lagu sheegay sidatan "Ciidamada dowladda iyo al shabab...

Axmed Madoobe oo bohol dheer ku tuuray rajadii uu ka qabay doorashada Jubbaland.

Ayyadoo maalin hore ay Beesha Caalamku usoo direen warqad su'aalo lagu weydiinayo qaabka guddiga doorashooyinka Jubbaland ay umaaraynayaan doorashooyinka Jubbaland, ayay guddiga doorashooyinka Jubbaland waxay beesha caalamka udireen warqad jawaab ah. Beesha Caalamka ayaa aad uga biyo diidsanayd in aan la diiwaan galin badi musharaxiinta madaxtinimo ee jubbaland iyo qaabka loo xulayo xildhibaannadda. Guddiga doorashooyinka ayaa ku adkaystau in ay doorashada...

Siciid Dani oo ceebeeyay Farmaajo iyo Kheyre, kuna tilmaamay.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay Madaxda ugu sareysa Dawladda Federaalka ah in aysan lahayn khibrad Dawladeed oo ku filan. "Soomaaliya maanta wey fududahay in aad inta iska timaado aad xilka ugu sareeyo ka qabato adiga oo aanan lahayn wax khibrad dawladeed ah ayuu yiri Siciida Dani. Siciid Dani ayaa si gaar ah udhaliilay Ra'iisalwasaare Kheyre assagoo sheegay...

Xog, wadahadal Adisababa uga furmay Jubaland iyo Dawladda, Axmed Madoobe oo kudhaw in uu tanaasulo.

Xog hoose oo aynu helnay ayaa sheegaysa in Magaalada Adisababa uu ka furmay shir udhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubbaland. Shirkaan waxaa dhexdhexaadinaya beesha Caalamka, waxaana dhanka Jubbaland umatalaya Wasiirka Maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle. Sida aynu xogta ku helnay Beesha Caalamka iyo Dawladda Federaalka ah ayaa Axmad Madoobe ku cadaadianaya sidii uu uga tanaasuli lahaa Musharaxnimadiisa Jubbaland, waxaana laga...

Xasaasi, Puntland oo malaayiin doolar siinaysa Xasan Sheikh, maxaad ka ogtagay Isbahaysigaan cusub.

Sida aynu xogta ku helnay Madaxda hogaamisa Dawlad Goboleedka Puntland iyo Xisbiga Damuljadiid ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray isbahaysi siyaasadeed oo ku aadan Doorashada Federaalka ee nagu soo fool-leh. Puntland ayaa samaysay Akoon uu ku qoranyahay Daahir macalin ayaanle oo ah Wasiir ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland, waxaana akoonkaan lagu ridayaa bil walba lacag udhiganta hal milyan...

Maxay Ciidanka Dawladdu maanta ka wadaan Awdhiigle.

Maamulka Gobolka shabeelada hoose iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa la kulmay maamulka iyo odayaasha deegaanka Awdhiigle ee dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagaxisada Ciidamada xooga dalka ayaa lagu bogaadiyay hawlgalka ay argagaxisada ugu xoreeyeen deegaanka. Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ibraahim Aadan Cali aya qeybaha kala duwan ee shacabka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka...

Dawladda Federaalka oo sheegtay in aan la aqbalayn..

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in aanan marnaba la aqbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed waqti magaalada Baydhabo lagu dilay ganacsade aad looga yaqaano deegaannada Konnfur Galbeed, sababo la xiriira aano qabiil.

Ciidanka Dawladda oo nolol ku qabtay shabaab hubaysan.

Magaalada Afmadoow waxaa iskasoo soo dhiibay Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo ka tirsan Kooxda Alshabaab. Labadaan dagaallame ayaa ka ku jiray Ciidanka Alshabaab muddo dheer, waxayna ka hawlgali jireen gobolka jubbada hoose. Labadaan nin ayaa watay laba qori iyo qalab kale, waxaana gacanta ku haya Ciidanka Dawladda Federaalka ah iyo kuwa jubbaland oo halkaa ku sugan.

Dagaal laga yaabo in uu ka dhaco Dhuusamareen, Ahlusunna iyo Dawladda oo ay meel xun ka gaartay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug waxaa maanta kajira dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamada Ahlusunna. Ahlusunna ayaa saluugsan in Dawladda Federaalka ah aysan fulin qayb kamid ah hishhiskii ay gaareen, waxayna rabaan in ay la wareegaan garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Magaalada waxaa ka sugan ciidamada Dawladda federaalka ah qaybahooda kala duwan iyo ciidanka Ahlusunna ee la qarameeyay. Waxay umuuqataa in ay khatar...

WARARKII U DANBEEYAY